Dagaalo culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye
Dagaal culus oo u dhaxeeyay ciidamada dowladda, Amisom oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose,
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa ka dambeeyay markii Al-Shabaab ay weerareen fariisimo ciidamada dowladda iyo Amisom ku lahaayeen Koontaroolka Baar Ismaaciil iyo Dugsiga sare ee Afgooye.
Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qasaaraha, hadana dagaalka ayaa ahaa mid labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana rasaasta la is dhaafsanayay ay gaareysay gudaha degmada Afgooye.
Saraakiisha dowladda ayaa sheegay in dagaalka lagu soo qaaday uu ahaa mid aan sidaa u buurneyn, balse ay iska caabiyeen, iyadoo aanu jirin wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab.
Dagaalkii xalay ayaa ahaa kii u horeeyay noociisa ee gudaha degmada Afgooye saameyn ku yeeshay, waxaana uu ku soo beegmay xilli ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay la wareegeen fariisimo hor leh oo ka tirsan Shabellaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa dagaalkooda u bedelay ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, waxaana ay beegsadaan fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ku leeyihiin, iyadoo mudooyinkii u dambeeyay gacantooda ka baxaysay deegaano badan oo muhiim ah.
"