Dagaal faraha looga gubtay oo lagu dilay ilaa 14-ka tirsan dagaalyahanada Shabaab oo ka dhacay Qansaxdheere
Dagaal xoogan oo faraha looga gubtay ayaa maanta ka dhacay degmada Qansaxdheere ee Gobolka Baay, kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowladda oo kaashanaya Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa waxaa soo qaaday dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo dhowr jiho ka soo weeraray, waxaana kadib dagaal dagaal saacado badan socday oo labada dhinac aanay waxba isula harin.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay dhimashada ilaa labaatameeyo ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa, iyadoo saraakiil ka tirsan dowladda ay guulo ka sheegteen.
Gudoomiyaha Gobolka Baay C/fataax Geesey oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay jab xoogan u geysteen Shabaab, isla markaana ay ka laayeen ilaa 14-dagaalyahano, kuwaasoo uu xusay in wadooyinka ay yaalaan meydadkooda.
“Al-Shabaab waxay maanta soo weerartay degmada Qansaxdheere salaadii duhur intii lagu jiray qasaare xoog leh ayaa soo gaaray, waxay isku dayene inay soo weeraraan jiidaha dagaalka ay ciidamada joogeen, waana la caabiyay, 14-dagaalyahano ayaa meydkooda ka carareen”ayuu yiri Mr Geesey.
Dadka deegaanka ayaa soo warinayay in labaatameeyo meydad ah ay dhex yaalaan duleedka iyo daafaha degmada Qansaxdheere, kuwaasoo ahaa maleeshiyadii Shabaab ee dagaalka soo qaaday.
Xaalada Qansaxdheere ayaa haatan dagan, waxaana dagaalkan uu noqonayaa kii ugu horeeyey oo ay ciidanka dowlada ee gobolka Bay guul intaasi la eg ku sheegtaan tan iyo marki ay halkaasi qabsadeen.
"