|

Qarax miino oo saaka uu ka bad baaday Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Ereg

Taliyaha ciidamada nabadsugida gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa ka bad baaday qarax miino oo saaka lala beegsaday xilli uu marayay nawaaxiga Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxan miino ayaan wax qasaare ah ka soo gaarin taliyaha, hase ahaatee waxaa saraakiisha booliska ay sheegeen inay qabteen ruux ka dambeeyay qaraxaas.

Taliyaha booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa sheegay in qaraxa la dhigay wado uu mari jiray Taliyaha nabadsugida gobolka banaadir oo ku dhow gurigiisa.

“Qaraxa waxaa loo dhigay meel uu wado mari jiray mararka qaar, waxaa la qabtay ninkii dhigay oo heysta Remote-kii uu wax ku qarxinayay, baaritaan ayaa ku socda”ayuu yiri Axmed Xasan Maalin.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliyaha nabadsugida oo gaarigiisa uu ka badbaaday qaraxa, hase ahaatee qaraxan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu taliyuhu ka badbaado.

 

Comments are closed