|

Majaajiliiste Marshaale oo maanta Meydkiisa lagu aasay magaalada Muqdisho

Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay majaajiliistaha caanka ahaa ee Soomaaliyeed, Cabdi Jeylaani Malaaq (Marshaale) oo shalay gabal dhici kooxo hubeysan toogteen.

Aaska Marxuumka ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ruux oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaas oo wajiyadooda laga dareemayay tiiraanyo iyo murug.

Abwaan Isman Cabdulahi Gure oo ah agaasimaha Radio Kulmiye isla markaana uu Marshaale marki ugu danbeysay ka shaqeynayey ayaa qabuuraha lagu aasay ee Afsiyooni ka sheegay in kooxaha caadeystay dilka saxafiyiinta aysan cifin doonin qof kasta oo ku jira xeendaabka saxaafada.

Waxa uu ugu baaqay wariyaasha in ay is hubeeyaan si ay isu difaacaan, isaga oo ku dhiiriyey saxaafada in ay gacana ku qabsato rikoorka codka lagu duubo gacanta bistoolada ama qoriga sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed oo isaga oo Balcad ku sugan saxaafada la hadlay ayaa uga tacsiyeeyey qoyska iyo qaraabada uu ka geeriyooday iyo bahda fanka iyo saxaafada Majaajiliiste Marshaale.

Waa qofki todobaad oo ku jira howlaha saxaafada oo magaalada Muqdisho lagu dilayo sanadkaan 2012.

Comments are closed