|

Madaxweyne Shariif oo maanta booqasho ku tagay degmada Balcad

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa booqashadiisa labaad ku tagay degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe, tan iyo markii ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay dhowaan kala wareegeen Al-Shabaab.

Booqashada Madaxweynaha ee degmada Balcad oo aheyd mid laba filaan ah ayaa waxaa uu markii uu gaaray degmada Balcad kula kulmay saraakiisha dowladda, odayaasha, waxgaradka iyo Maamulka Shabellaha Dhexe.

Madaxweyne Shariif ayaa u mahadceliyay dadka deegaanka sida ay uga shaqeeyeen ammaanka, isla markaana uga taxadireen falalka amni daro, isagoo ugu baaqay inay ka shaqeeyaan arrimaha bulshada.

Kulan saacado qaatay ayuu Madaxweynaha waxaa uu warshadii dharka degmada Balcad kula qaatay odayaasha deegaanka, isagoo ku baaqay in la iska kaashado xasiloonida ammaanka sida uu yiri.

Madaxweyne Shariif ayaa maalin ka hor booqasho ku tagay degmada Afgooye, halkaas oo mudooyinkii u dambeeyay laga soo sheegayay falal amaan daro.

Booqashadan ayaa noqoneysa tii labaad oo uu ku tago degmada kadib markii ay qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom.

 

 

Comments are closed