Majaaliste caan ah oo galabta lagu dilay magaalada Muqdisho
Allaha u naxariistee Majaajiliistaha caanka ah Marshaale ayaa galabta ragg hubeysan ay ku dileen degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, iyadoo dilkiisa shacabka Muqdisho ay aad uga naxeen.
Majaajiliiste Marshaale ayaa caan ku ahaa barnaamijyada sheekooyinka ee ka baxa telefishinada iyo Idaacadaha, waxaana uu ka howl galayay Telefishinka Universal iyo Idaacada Kulmiye.
Kooxaha dableyda ee ka dambeeya dilkiisa ayaa baxsaday, markii ay dhowr xabadood madaxa huwiyeen xilli uu ag fadhiyay hoygiisa oo ku yaala degmada Waabari.
Wararka ayaa sheegaya in kooxaha dilka ka dambeeyay ay ahaayeen labo nin bastoolado ku hubeysneyd oo ahaa dhalinyaro, iyagoo durba goobta ka baxsaday.
Allaha u naxariistee Marshaale ayaa ahaa majaajiliista aad uga caan ahaa Soomaaliya iyo dalka dibadiisa, waxaana dilkiisa noqonayaa qofkii u horeeyay ka mid ah bahda fanka oo Muqdisho lagu dilo muddo sanado ah.
"