|

Kooxo Hubeysan oo xalay ku dilay Waqooyiga Galkacyo labo nin walaalo ah

Kooxo Hubeysan ayaa xalay magaalada Galkacyo waqooyigeeda ku dilay labo nin oo walaalo ah, kaasoo mid ka mid ah uu ahaa Colneyl, iyagoo kooxaha dilka geystay ay baxsadeen.

Dilkan ayaa dhacay kadib salaadii maqrib oo ay ka soo baxeen masaajidka, waxaana kooxaha hubeysan ee dilay ay gaarayeen ilaa shan ruux oo bastoolad ku hubeysnaa.

Labada nin ee la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Col Cabdullahi Maxamed Xasan (Farey) iyo Cismaan Maxamed Xasan, waxaana weerarka uu dhaawac ka soo gaaray nin kale oo la socday.

Ciidamada ammaanka magaalada Galkacyo ayaa sheegay inay ku raad joogaan kooxihii dilka ka dambeeyay, waxaana ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan dilalkaas Al-Shabaab.

Waqooyiga magaalada Galkacyo ayaa waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen kooxo hubeysan, waxaana dhowaan qarax ka bad baaday Taliyihii ciidamada Nabadsugida gobolka Mudug oo ahaa nin la dhashay Madaxweynihii hore Soomaaliya Marxuum C/llaahi Yuusuf.

Si kastaba ha ahaatee amni darada ka jirta Waqooyiga Galkacyo ayaa ah mid isa soo tarayay mudooyinkii u dambeeyay, iyadoo lagu dilay wariyeyaal, saraakiil iyo waxgarad caan ahaa.

 

Comments are closed