Doorashada madaxweynaha Maamulka Galmudug oo maalinta berri la qabanayo & Col. Caalin oo ka soo horjeeda
Waxaa maalinta berri oo taariikhda tahay 1-da Agosto lagu wadaa in la qabto doorashada madaxtinimada Maamulka Galmudug, iyadoo ay ka soconayaan Koofurta magaalada Galkacyo qaban qaabo ku aadan doorashada madaxtinimada.
Maalinimadii shalay ayaa la doortay gudoonka cusub ee baarlamaanka Galmudug, waxaana loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka Xasan Maxamuud Xeyd oo horay xilkan u hayay oo dib loogu doortay.
Inkastoo mudooyinkii u dambeeyay khilaafaad ka jireen arrimaha maamulka Galmudug, hadana waxaa muuqata in si rasmi uu u dhici doono doorashada madaxtinimada, markii siyaasiyiinta iyo waxgaradka isku waafaqeen.
Madaxweynaha Galmudug ee xilkiisa sii lig-liganaya Col. Maxamed Axmed Caalin oo xaalad caafimaad u jooga magaalada Nairobi markii qaliin dhinaca wadnaha lagaga sameeyay ayaa ku tilmaamay doorashada mid sharci daro ah.
Col. Caalin ayaa tibaaxay in si aan sharciga waafaqsaneyn loo magacaabay gudiga doorashada, waxaana uu cadeeyay in doorashada ay dhaceysa bisha Febraayo ee sanadka soo socda.
Waxaa uu sheegay in isaga aanu diyaar u aheyn inuu isa soo sharaxo, hase ahaatee ay mudan tahay in waqtiga loo daayo ilaa uu ka dhamaanayo.
Musharaxiin uu ka mid yahay Jen. Cabdi Qeybdiid Taliyihii hore Booliska Soomaaliya ayaa u taagan jagada madaxtinimada Puntland, iyadoo loo saadaalinayo Jeneraalka inuu ku guuleysanayo doorashada.
Koofurta Galkacyo oo ah xarunta Maamulka Galmudug ayaa laga dareemayaa qaban qaabada doorashada, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.
"