Shirka Ansixinta Dastuurka oo maalintii 6aad galay
Shirka Ansixinta Dastuurka waddanka ayaa maanta galay maalintii lixaad, ayadoo ergadu ay koox koox uga shirayaan qeybo ka mid ah Dastuurka waddanka.
Ergay ka socday Dowladda Norway oo lagu magacaabo Jan Peterson oo la hadlay ergada furitaankii kulanka saakay ayaa sheegay in beesha caalamku ay taageero siineyso hannaanka ay Soomaaliya uga baxeyso marxaladda KMG ah. isagoo ergada u sheegay in dadku ay shaqo wanaagsan ka sugayaan.
Sidoo kale xubnaha shirka ka qeyb galaya qaarkood ayaa hadallo ka jeediyay shirka, ayadoo kooxda fanaaniinta Heegan ay suugaan iyo ruwaayad ay ku soo bandhigeen madasha shirka.
Muddo saddex cisho ayaa u haray in lagu soo gaba gabeeyo shirkan oo markii hore loo qoondeeyay sagaal cisho, hase ahaatee wali waxaa muuqda in la isku haayo qodobada qaar ee dastuurka.
"