|

Madaxweyne Shariif oo booqasho lama filaan ku tagay Afgooye, xilli cabasho dhanka ammaanka ay ka jirto

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa booqasho lama filaan ah ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaas oo maalmihi lasoo dhaafay ay ka jireen falal amaan dari.

Safarka Shariif ayaa ka danbeeyey marki odayaasha degmada Afgooye ay xafiiskiisa ugu tageen kana codsadeen bal inuu soo arko dhibaatada ka taagan magaalada oo ay ku hayaan ciidamada dowlada.

Marki uu tagay Afgooye waxa uu la kulmay odayaasha dhaqanka oo uu ka dhageystay cabashadooda, iyaga oo dhamaantood waqa qiray in ciidamada dowlada ee ku sugan Afgooye ay falal isugu jira kufsi iyo dhac ay u geysteen dadka deegaanka taasi oo ceeb ku ah dowlada.

Sida ay wararku sheegayaan, waxaa haatan madaxweynaha uu shir kula jiraa saraakiisha ciidamada kala duwan ee dowlada ee ku sugan Afgooye oo uu kala hadlayo arrimaha amaanka.

Dadka lafa gura arrimaha amaanka, waxay leeyihiin Madaxweyne Sharif wuu ku ceeboobi doonaa Afgooye hadii uusan badal ku sameyn taliska ciidanka ee ku sugan degmada Afgooye.

Madaxweynaha wali lamu uusan hadli saxaafada, sidoo kale inti uu safakriisa Muqdisho iyo Afgooye watay wax dagaal ah ma uusan ku qabsan wadada isku xirto labada magaalo.

 

 

Comments are closed