|

Qaraxyo bambaano oo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Qaraxyo bambaano ayaa xalay lagu weeraray meelo ka mid ah magaalada oo fariisimo ay ku lahaayeen ciidamada dowladda, iyadoo qaraxyadaas ay sababeen dhaawacyo dad rayid ah soo gaaray.

Sida wararku sheegayaan qaraxa hore ayaa ka dhacay agagaarka Isgoyska Carwo Idka, halkaasoo lagu tuuray goob ciidamada dowladda ay fadhiyeen, waxaana ku dhaawacmay ilaa saddex ruux oo rayid ah.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay gudaha suuqa bakaaraha goob horay Al-Shabaab ugu aheyd maxkamad oo fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda, lama oga qasaaraha ka dhashay.

Sidoo kale qarax kale ayaa isna waxaa uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Dabka oo ciidamo ka tirsan dowladda lagu tuuray, iyadoo uu qof rayid ah ku dhaawacmay.

Qaraxyadan bambaano ee xalay ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa ku soo aadeysa, iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho si aad ah loo adkeeyay, ciidamo badana ka howl galaan wadooyinka caasimada.

Al-Shabaab ayaa inta badan sheegata mas’uuliyada qaraxyada, inkastoo mudooyinkii u dambeeyay ay ka yaraadeen qaraxyada markii ciidamada dowladda ay adkeeyeen ammaanka.

Comments are closed