Madaafiic lagu garaacay garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo
Duqeyn ayaa maanta loo geystay garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo, iyadoo uu hakad ku yimid howlihii duulimaad ee ka jiray garoonka.
Sida wararku sheegayaan duqeyntan ayaa timid markii maleeshiyaad hubeysan ay qoryaha lidka diyaaradaha ku garaaceen garonka, xilli ay ka dhoofeysay diyaarad.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeynta, waxaana wararka hore ay sheegayaan in muran ku saabsan lahaansho dhul uu soo dhex galay maleeshiyaad deegaanka ah iyo maamulka garoonka diyaaradaha.
Maamulka garoonka diyaaradaha ee Galkacyo ayaa ku eedeeyay inay qoriga lidka diyaaradaha ee Zuuga ku soo garaaceen maleeshiyaad ka soo jeeda koofurta Galkacyo.
Waxaa ay sheegeen inay wax laga xumaado tahay in mar walba ay soo noqdaan weerarada lagu qaado garoonka, kaasoo aan wax laga qaban.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyay duqeynta lagu qaaday garoonka.
Ma ahan markii u horeysay ee duqeyn lagu qaado garoonka diyaaradaha Galkacyo, waxaana jiray duqeymo horay loogu geystay garoonka, markii khilaaf uu soo kala dhex galay labada dhinac.
"