|

Abuu Muscab “Shiishyahandu waxay toogasho ku dileen Askar Brundes ah oo ku sugnaa Dayniile”

Afhayeenka howl galada Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in askar ka tirsan ciidamada Amisom ay ku dileen toogasho, markii dagaalyahanadooda shiishka ku dheeraya ay meel fog ka toogteen.

Abuu Muscab ayaa tibaaxay in howl galkaas ahaa mid qorsheysnaa oo si gaar ah ciidamada Amisom goobo difaacyo u ahaa ay ka liishaameen sida uu yiri.
“Waxaa ku dilnay garoonka diyaaradaha Dayniile labo askari oo kuwa Brundiga ah oo dagaalyahanada shiishka yaqaan ay toogteen”ayuu yiri Abuu Muscab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerar ay ku qaadeen ciidamada dowladda fariisin ay ku lahaayeen deegaanka Siinka dheer ay ku dileen dhowr askari, tiro kale ay ku dhaawaceen.

“Siinka Dheer waxa ku qaadnay weerar qorsheysan, meeshaas gaari nuuca cabdi bilaha ayaa ku gubnay, tiro askar ayaa uga leynay”ayuu sidoo kale yiri.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dagaal ay ku qaadeen maalin ka hor degmada Xudur oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya, isagoo tilmaamay in qeyb ka mid ah ay ku qabsadeen.

Comments are closed