Saraakiishii dowladda ee Gobolka Bay oo xalay ku hoyday Xabsiga, markii Ciidamada Itoobiya ay xireen
Saraakiisha dowladda ee gobolka Baay ayaa xalay ku hoyday xabsi, kadib markii shalay gelinkii dambe ay xireen ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baydhabo.
Saraakiishan oo lagu kala magacaabo Taliyaha qeybta booliska gobolka Baay, Aadan Doodishe iyo Taliyaha Saldhiga booliska Baydhabo Aadan Biid.
Wararka ayaa sheegaya in saraakiishan loo xiray arrimo la xiriira khilaaf ku aadan canshuur qaadista magaalada, markii ay ka hor yimaadeen, iyadoo sidoo kale uu jiro khilaaf u dhaxeeya maamulka gobolka Baay.
Duqa Magaalada Baydhabo Xasan Biikolo ayaa u sheegay warbaahinta in sababta ay u xiranyihiin labadan sarkaal ay la xiriirto sababo la xiriira amniga gobolka iyo magaalada iyo qilaaf u dhaxeeyey iyaga iyo Itoobiyaanka.
Sida wararku sheegayaan waxaa loo heystaa in ay xoriyad taam ah siiyeen ciidamo iyaga daacad u ah oo magaalada qas iyo qalaanqal ka abuurayey tan iyo marki ay ciidamada dowlada la wareegeen Baydhabo.
Waa marki ugu horeysay oo ay ciidamada Itoobiya saraakiil ka tirsan ciidanka dowlada ku xiraan magaalada Baydhabo tan iyo marki ay qabsadeen magaalada Baydhabo bishii Febraury ee sanadkaan.
"