Wasaarada Dastuurka oo sheegtay in saaka uu furmayo shirka ansixinta dastuurka
Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta ayaa shaaca ka qaaday in maanta uu furmayo shirka ansixinta dastuurka, kaasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 825 ergo, kuwaasoo ansixinaya dastuurka, isla markaana soo xulaya baarlamaanka cusub.
C/raxmaan Xoosh Jibriil Wasiirka dastuurka ayaa sheegay in diyaar garow ballaaran u socdo, kaasoo ku saabsan shirka ansixinta dastuurka, isagoo tilmaamay inuu shirka soconayo ilaa 1-da bisha Agosto.
“Shirka wuxuu furmaya saaka 9-ka subaxnimo, wuxuuna soconayaa ilaa 1-da Agosto, ergooyinka waxay ansixinayaan dastuurka, waxay soo xulayaan xildhibaanada cusub, kadib waxaa loo gudbayaa doorashada afhayeenka baarlamaanka iyo madaxweynaha”ayuu yiri C/raxmaan Xoosh Jibriil.
Xarunta shirka uu ka socdo ee School Polizio ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay, waxaa la geeyay ciidamo ka tirsan Amisom iyo kuwa dowladda oo xaqiijinaya ammaanka.
Shirweynaha Ansixinta Dastuurka ayaa horay saddex jeer dib ugu dhacay cilado farsamo, waxaana dowladda Soomaaliya ay iminka dadaal ugu jirtaa sidii shirka uu ku furmi lahaa.
"