Qarax ka dhacay degmada Balcad iyo Ciidamada dowladda oo qasaare ka soo gaaray
Qarax miino kuwa meelaha fog laga hago ayaa maanta ciidamo ka tirsan dowladda lagula eegtay degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo qaraxa qasaare uu ka soo gaaray ciidamada dowladda.
Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa ciidamada lala beegsaday, iyagoo dhex lugeynayay suuqa degmada Balcad, halkaasoo aheyd goob saxmad ah oo ganacsi uu ka jiray.
Ilaa saddex askari ayaa ku dhimatay, qaar kalena waa ay ku dhaawacmeen, qaraxa miino ee lala beegsaday ciidamada dowladda.
Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta gaaray ciidamo boolis ah, kuwaasoo howl galo ay ka sameeyeen kadib ku qab qabtay dad fara badan.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa uu saameyn ku yeeshay goobtooda ganacsi, isla markaana xaalada degmada ay iminka tahay mid kacsan.
Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa la wareegay degmada Balcad 26-kii bishii June, markii ay ka qabsadeen Al-Shabaab oo muddo ka talineysay degmada.
"