|

Afhayeenka Amisom Col. Cali Xaamud oo sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka goobta shirka ansixinta dastuurka ka dhacayo

Afhayeenka ciidamada Amisom Col. Cali Xaamud Aadan ayaa sheegay inay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka goobta lagu qabanayo shirka ansixinta dastuurka, kaasoo lagu wado in maalinta berri inuu furmo.

Col. Cali Xaamud ayaa sheegay in sugida ammaanka goobta shirka ka dhacayo ay qeyb ka tahay howl galka ay ka wadaan Soomaaliya, isagoo xusay in ciidamada ay si guud ula socon doonaan dhaq dhaqaaqa xarunta School Polizio.

“Qorshaheena waa inaan sugno ammaanka xarunta shirka ka dhacayo, waxaa diyaarinay ciidamadii ka qeyb qaadan lahaa, waana bilaabi doonaa howl galkaas inaan ammaanka guud la wareegno”ayuu yiri Col. Cali Xaamud.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in howl galkooda labaad yahay in ciidamo qarsoon oo la socda dhaq dhaqaaqa ay ka qeyb qaadanayaan sugida ammaanka sida uu yiri.

Maalinta berri ayaa la filayaa inuu si rasmi u furmo shirka ansixinta dastuurka, kasoo ay ka qeyb galayaan ilaa 825-ergo oo ka kala socda gobolada dalka iyo qabaa’ilada

 

 

 

 

Comments are closed