Shirkii Ansixinta Dastuurka oo markii 3aad dib u dhac ku yimid
Shirkii Ansixinta Dastuurka ayaa markii 3aad dib u dhac ku yimid, iyadoo wali khilaaf ka taagan yahay soo xulista ergooyinka ka qeyb geli laheyd shirka.
Wasiiru dowlaha dastuurka iyo arrimaha federaalka Xasan Maxamed Jimcaale ayaa sheegay in shirka uu furmi doono maalinta berri ah, isla markaana maanta la soo dhameystirayo waxyaabihii haray.
“Dib u dhaca waxaa sabab u ah ergooyinka oo aan wali Muqdisho soo gaarin, waxaan rajeyneynaa in maanta ay yimaadaan, si berri uu shirka u furmo”ayuu yiri Mr Jimcaale.
Waxaa uu sheegay in shirka aanu sabab kale u baaqan oo aan ka aheyn ergooyinka oo aan wali soo xaadirin, isagoo rajo ka muujiyay in maalinta berri shirka furmayo.
Inkastoo odayaasha dhaqanka aanay wali ka hadlin dib u dhaca shirka, hadana waxaa la leeyahay in la isku haayo arrimaha soo xulista baarlamaanka.
Shirka ansixinta dastuurka ayaa noqon doona mid lagu ansixiyo dastuurka laguna soo xulo baarlamaanka, iyadoo gudiga farsamada ee shirka ay sheegeen in maalmaha soo socda lagu soo afjari doono howlaha dastuurka.
Xukuumada Soomaaliya ayaa dadaal ugu jira sidii uu hirgeli lahaa dastuurka uu dalka yeelanayo, iyadoo rajo wanaagsan ka muujisayo qabsoomida shirka ansixinta dastuurka.
"