Augustine Mahiga oo sheegay in la isku raacay in tirada Baarlamaanka laga dhigo 275-xildhibaan
Wakiilka qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa ku dhawaaqay in tirada baarlamaanka soo socda laga dhigay 275-xildhibaan, kadib markii ay ku heshiiyeen saxiixayaasha Road Map-ka.
Augustine Mahiga ayaa u sheegay odayaasha dhaqanka shirka uga socda magaalada Muqdisho in la aqbalay soo jeedintooda ku aadaneyd in baarlamaanka 275 laga dhigo, bedelkii uu horay ka ahaa 225.
Waxaa uu ka codsaday Odayaasha dhaqanka in mar dambe uusan dib u dhicin shirka ansixinta dastuurka, waxaana uu tilmaamay in labadii maalmood u dambeeyay shirka dib u dhacay, taasoo uu xusay in wax laga xumaado tahay.
Mahiga ayaa sheegay in hadii mar kale dib u dhaco shirka ansixinta dastuurka Caalamka uu ka aamin bixi doono madaxda dowladda, waxaana uu dalbaday in sidii loogu tala galay lagu dhameystiro xilliga kala guurka.
Sidoo kale Ra’isal wasaare C/wali gaas ayaa ka codsaday odayaasha dhaqanka inay dedejiyaan howlaha gacantooda ku jira, gaar ahaan soo gudbinta liiska ergooyinka, inkastoo uu xusay in tiro ka mid ah la haayo.
Maalinimada Arbacada ayaa la filayaa in shirka ansixinta dastuurka inuu ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana dowladda ku adkeysaneysa in aanu dib u dhici doonin.
"