|

Al-Shabaab oo shalay dil toogasho ku fulisay saddex ragg ka tirsanaa oo basaasnimo ay ku eedeeyeen

Al-Shabaab ayaa shalay fagaare ku yaal magaalada Marka dil toogasho ku fulisay ragg iyaga ka tirsanaa oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin yihiin, isla markaana ka dambeeyeen qaarijinta saraakiil isugu jiray ajnabi iyo Soomaali.

Saddexda nin ayaa la sheegay inay la shaqeynayeen Sirdoonada Mareykanka iyo Britain ee kala ah CIA iyo Mi6, waxaana la tilmaamay inay qorsheeyeen hababkii loo qaarijiyay saraakiishooda.

Dacwad oogaha Al-Shabaab oo lagu magacaabo Cabdilxaq ayaa sheegay in raggan iyaga ka tirsanaa ay ka dambeeyeen dilkii Bilaal Al-Barjaawi oo dhamaadkii bishii Janaayo lagu dilay duleedka Muqdisho, markii diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Drone ay duqeysay gaarigii uu la socday sarkaalkaas ajnabiga ah.

Sidoo kale waxaa ragga la toogtay lagu eedeeyay in aalad wax duqeysay ugu xireen gaarigii uu la socday Bilaal Al-Barjaawi, sidoo kale waxaa mid ka mid ah lagu eedeeyay inuu ka yimid Hargeysa oo si toos uga socday Xafiiska MI6, sida uu yiri dacwad oogaha Shabaab.

Gudoomiyaha Shabaabka u qaabilsan Shabellaha Hoose Abuu Cabdalla ayaa sheegay in tani ay muujineyso sida aan la isugu qarin karin Shabaab, isla markaana ay fashiliyeen sirdoonada Ingiriiska iyo Mareykanka sida uu yiri.

Ma ahan markii u horeysay ee Al-Shabaab toogasho ku dilaan ragg iyaga ka tirsan oo basaasnimo ku eedeeyaan, sanadkii 2010 dhamaadkeeda ayay aheyd markii nin lagu magacaabo Axmed Keyse ay dileen, kuna eedeeyeen inuu u jaajuusayay sirdoonka Mareykanka.

Comments are closed