|

Wasaarada Arrimaha gudaha oo ugu baaqday Hey’adaha sama falka in la afuriyo dadka masaakiinta

Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo Amniga qaranka ayaa ugu baaqay Hey’adaha sama falka ee ka howl gala magaalada Muqdisho inay u gar gaaraan dadka tabaaleysan ee aan wax heysan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dr. Cabdi Cali oo ah Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha ayaa sheegay in Bisha Ramadaan oo iminka ay bilow tahay dadka masaakiinta ay ku sugan yihiin xaalado nolol xumo, isla markaana u baahan yihiin in la gar gaaro.

“Dadka masaakiinta qaarkood ma heystaan wax ay ku afuraan, qaar waa liitaan, waxaa jira dad badan oo barakacayaan ah oo magaalada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ku sugan oo gar gaar u baahan”ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha.

Waxaa uu sheegay inay Hey’adaha sama falka ay ugu baaqayaan inay afuriyaan dadka masaakiinta ee ku nool xeryaha barakacayaasha sida uu yiri.

Inkastoo ay dowladu jeedisay baaqaasi, hadana waxaa kaamam ku yaala Muqdisho qaarkood ka socda barnaamij afuris ah oo ay wadaan hey’adaha dalalka Islaamka ah ee ku sugan Muqdisho.

Muqdisho waxaa wali ku nool kumanaan barakacayaal ah oo aanan wali u laaban meelihi ay kasoo carareen sanadki hore ee dalka Soomaaliya.

Comments are closed