|

Ra’iisul Wasaare Gaas oo la kulmay Safiirka Britain ee Soomaaliya iyo ciyaartoyda Soomaaliya uga qeyb galeysa Tartanka Olimbikada Aduunka+Sawirro

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa la kulmayu Safiirka dowladda Britain u fadhiya Soomaaliya Matt Baugh iyo Gudiiga Xiriirka Olimbimada Soomaaliyed, iyadoo ciyaartoy mataleysa Soomaaliya ay dhowaan u ambabixi doonaan Tartanka Olimbikada Aduunka ee dhamaadka bishan ka furmaya Magaalada London.

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha la qaatay Safiirka iyo Gudiga Olimbikada Soomaaliyed ayaa ku aadanaa qaabka Soomaaliya uga qeyb galeyso Tartanka Olimbikada Aduunka, waxaana lagu wadaa in wiilka iyo gabadha matalaya Soomaaliya dhowaan Muqdisho lagu siiyo Viisooyinkii ay ku aadi lahaayeen magaalada London.

Ra’iisul Wasaare C/wali Gaas ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in Ciyaartoy Soomaaliyeed ay ka qeyb galaan tartanka Olombikada Soomaaliyed, isagoo xusay in guul weyn u tahay in Soomaaliya oo daruufo badan ay heystaan in Ciyaartoy u matalaan Tartanka Olimbikada Aduunka.

“Waxaa farxad weyn inoo ah in Ciyaartooyda Soomaaliyeed ay ka qeyb galayaana Olombikada Adduunka, Inagoo aan ognahay in Ciyaartooyda Soomaaliya ay ku tababaranayeen dalkooda oo aad aragtaan duruufaha ka jira, Ciyaartoydu waxay dalka ka duulayaan 17 bishan iyado aan 16 bishana aanu samayn doono qado sharaf aan ku sagootinayno waxaana sharaf noo ah in aan kufaani karno in Ciyaartooydeena ay calanka Soomaaliya uu ka dhex muuqan doono fagaarayasha lagu soo bandhigayo Ciyaaraha kala duwan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Gaas
Sidoo kale Safiirka Britain ee Soomaaliya Matt Bough ayaa isna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in 16 maalmood kadib uu furmi doono Ciyaaraha Olombikada Aduunka oo aan farxad la qeybsado Soomaaliya iyo Caalamka kalaba.

Waxaa uu tilmaamay inuu aad ugu faraxasanahay in tartanka Britain uga qeybgalayo Moha Farah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya kuna dhashay meel aan ka fogeyn Caasimada Muqdisho balse heysto dhalasho Britain ah.

Matt Bough ayaa wax laga xumaadu ku tilmaamay masiibadii dhacday 4-tii April Tiyaatarka Qaranka kadib markii qarax lagu qaarijiyay Gudoomihiyii Gudiga Olombikada Soomaaliyo Aadan Yabaroow Wiish.

Ugu dambeyntii Waxaa goobta ka hadlay Wiilka iyo Gabadhii ee Ciyaaraha Olombikada Soomaaliyeed uga qeyb galayo tartanka Ciyaaraha Olombikada Adduunka Waxeyna fariin u direen Shacabka Soomaaliyeed islamarkaana muujiyay iney natiijo wanaagsan ku soo hoyinayaan CalankaSoomaaliyeed.

Comments are closed