|

Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom oo dagaal ku qabsaday Xerada Laanta-Buuro

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom ayaa maanta la wareegay xero milateri oo lagu magacaabo Laanta-Buuro, halkaasoo aheyd meel istiraatiiji ah oo Al-Shabaab ku tababari jireen dagaalyahanada.

Wararka laga helayo deegaanka Laanta-Buuro ayaa sheegaya in ciidamada Amisom iyo kuwa dowladda ay ka tallaabeen deegaankaas, una ruuqaansadeen deegaanka Muuri.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa sheegay in dagaal kooban oo ka dhacay Laanta-Buur kadib ay kala wareegeen Al-Shabaab, isaga oo intaasi raaciyey in haatan ay ka sameysteen difaacyo.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ilaa iyo 8 ruux oo labada dhinac ah, inkastoo saraakiisha ciidanka dowlada ay sheegayaan in Al-Shabab ay ka dileen 7 dagaalyahan.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan dagaalada ka dhacay deegaankaasi Laanta Buuro oo u dhaxeeya deegaanada Afgooye iyo Muuri ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Comments are closed