Ciidamo Itoobiyaan oo kaabiga u fuula degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ah oo ay la socdaan milatariga Soomaaliya in ay qarka u saaranyihiin magaalada Buurdhuubo.
Ciidamadan ayaa shalay kasoo dhaqaaqay magaalada degmada Qansadheer ee gobolka Bay iyaga oo xalay ku hoyday meel u dhaw Buurdhuubo sida uu sheegay gudoomiyaha degmada Qansaxdheere.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada ayaa VOA-da u sheegay in aysan wali la kulmin wax dagaal ah taasi oo uu ku macneeyey in dagaalyanada Al Shabaab ay ka carareen.
Degmada Buurdhuubo ayaa ka mid ah laba degmo oo ka tirsan gobolka Gedo oo ay maamulaan Al Shabaab, degmada kale waa Baardheere oo ah magaalo istaraatiiji ah.
"