|

Afhayeenka cusub ee Ciidamada Amisom oo loo magacaabay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Jabuuti

Dowladda Jabuuti ayaa Afhayeen u soo magacawday howl galka nabad ilaalinta Amisom, iyadoo la bedelay Afhayeenkii hore Col. Paddy Ankunda oo ahaa afhayeenkii u horeeyay ciidamada Amisom.

Afhayeenkan cusub oo lagu magacaabo Cali Aadan Xaamud ayaa shalay si rasmi ah xilkiisa kula wareegay, isagoo xarunta Amisom ay isku gacan qaaden Afhayeenkii hore Paddy Ankunda.

Col. Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in howsha ciidamada nabad ilaalinta uu ka qeyb qaato, isla markaana loo magacaabo xilka Afhayeenimo.

“Waxaa ku faraxsanahay anigoo la ii xilsaaray waajibkaas, iyo dowladda Jabuuti oo aragtay dhibka Soomaaliya in dhibkeeda yahay, ayaa ku faraxsanahay inaan anigoo afka Soomaaliga ku hadlo la ii magacaabo Afhayeenimo”ayuu yiri Col. Cali Aadan.

Col. Cali Aadan ayaa sheegay in Soomaalida ay isku af, isku dhaqan iyo isku diinba yihiin, waxaana uu tibaaxay inuu rajeynayo in dhibaatada ay ka baxdo Soomaalida.

Afhayeenkii hore Amisom Paddy Ankunda oo dib loogu soo magacaabay howsha nabad ilaalinta bishii April ee sanadkii hore ayaa sidoo kale ahaa Afhayeenkii u horeeyay Amisom markii Muqdisho imaanayeen sanadkii 2007-dii.

Si kastaba ha ahaatee Afhayeenkan reer Jabuuti oo ku hadli yaqaan, afafka Soomaaliga, Carabiga, Faransiiska, Englishka iyo afka cafarta ayaa la filayaa inuu hada kadib howl galada Amisom ka warbixiyo.

 

Comments are closed