Ragg Hubeysan oo caawa ku dhaawacay degmada Wadajir Wariye u shaqeeya Telefishinka Universal
Ragg Hubeysan ayaa caawa fiidkii ku dhaawacay degmada Wadajir Wariye ka tirsan Telefishinka Universal xafiiskiisa magaalada Muqdisho, iyadoo dhaawiciisa loola cararay Isbitaalka Madiina.
C/qaadir Cumar Cabdulle ayaa lagu dhaawacay afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaala agagaarka Korontada ee degmada Wadajir, waxaana dhaawiciisa la sheegay inuu yahay mid fudud.
Wararka ayaa intaa ku daraya in wariyaha xabado uga dhaceen caloosha iyo lugta, waxaana xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan, inkastoo saalada qaliinka goor dhow laga soo saaray.
Bilihii u dambeeyay ayaa waxaa lagu dilay magaalada Muqdisho ilaa shan wariye oo warbaahinta kala duwan u shaqeynayay, iyadoo bishii la soo dhaafay la dhaawacay wariye Maxamed Nuur Shariifka oo u shaqeynayay Idaacada Bar Kulan.
Bishii May dhamaadkeeda ayaa kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wadajir Wariye Axmed Caddow Canshuur, xilli gurigiisa ku sii jeeday.
"