|

Howl galo ciidamada dowladda iyo Amisom si wada jir u fuliyeen oo boqolaal qof lagu soo qab qabtay

Howlgalo ay ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Amisom ka sameeyeen mmaanta sadex dagmo oo ka mid ah magaalada Muqdisho ayey kusoo qabteen dad ka badan 300 oo ruux.

Meelaha dadkan laga soo qab qabtay ayaa waxaa ka mid ah xaafado ku yaala degmooyinka Heliwaa, Kaaraan iyo Yaaqshiid oo ka tirsan Gobolka Banaadir

Howlgalka oo ay ka qeybqaateen ciidamada nabadsugida iyo kuwa booliska iyo Amisom ayaa lagu soo qabtay dad badan oo isugu jira qaar lagu tuhmayo Al-Shabaab dad rayid ah oo la kulmay raafka.

Saraakiisha ciidamada dowlada ayaa sidoo kale sheegay in ay qabteen haamo kiimiko ah oo laga sameeyo walxaha qarxa kuwaasi oo laga helay guri ay adeegsan jireen Al-Shabaab oo ku yaala degmada Heliwaa.

Waxa kale oo ay sheegeen in dadka la xiray uu ku jiro sarkaal ka tirsanaa dagaalyahanada Al-Shabaab ee saldhiga Hurwaa kaasi oo ahaa nin oday ah.

Todobaadki hore ayey ciidamada dowlada howlgal kan la mid ah ka sameeyeen degmooyinka Daayniile, Yaaqshiid iyo Wardhiigley waxayna kusoo qabteen dad gaaraya ku dhawaad 2,000 oo ruux.

Comments are closed