|

Dagaalo ka dhacay deegaanka Taabto & Diyaarado dagaal duqeeyay gaadiid dagaal Shabaab lahaayeen

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaalo ay ka dhaceen xalay deegaanka Taabto, kadib markii fariisin ay ku lahaayeen ciidamada dowladda ay weerareen dagaalyahano ka tirsan Shabaab.

Sida wararku sheegayaan dagaalada oo ahaa kuwo culus ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar ruux oo dhinacyadii dagaalamayay ahaa, iyadoo saraakliisha dowladda ay guulo ka sheegteen.

Afhayeenka Ciidamada dowladda ee Jubada Hoose G/dhexe Aadan Axmed ayaa sheegay in labo ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday dagaalka ku dileen, isla markaana iska caabiyeen.

Dhinaca kale waxaa uu tilmaamay Afhayeenku in shalay gelinkii dambe labo diyaaradood kuwa dagaalka ay duqeeyeen gaadiid dagaal ay la socdeen ragg ka tirsan Shabaab.

Waxaa uu sheegay in duqeyntaas lagu dilay ilaa 11-dagaalyahano, laguna bur buriyay labo gaadiid ay la socdeen, oo marayay deegaan lagu magacaabo caga libaax.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Kenya oo ku saabsan duqeynta diyaaradeed, sidoo kale ma jirto war iyana Shabaab ka soo baxay oo lagu beeninayo duqeynta diyaaradeed.

Si kastaba ha ahaatee qeybo ka mid ah gobolada Jubooyinka ayaa waxaa uu dagaalo ku dhex marayaa Ciidamada Kenya oo wehliya kuwa dowladda iyo Raaskambooni.

 

Comments are closed