Shirka Golaha Wasiirada ee khamiislaha
Golaha Wasiirada Dowladda Soomaaliyaayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa iyadoo shirkani uuguddoominayayKu simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Ganacsigga iyo Warsadaha ahnaRa’iisul Wasaare ku xigeen Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif,IyadoonaShirka looga hadlayay Xoojinta Amniga, Soo xulistii Ergooyinka iyo Garsoorka.
Ugu horeyn waxaa warbixin laga dhagaystay wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Mudane Wuxuuna ka war bixiyey howlgalada ka socda dhamaangoboladda dalka, waxaana uu sheegay in cidanka Qaranku ay wadaan diyaargarowgii ugu dambeeyey oo ay kula wareegi lahaayeen Gobaladda ku haray gacantaAl-shabaab, Wuxuu kaloo uu Wasiiru Dowluhusheegay in ciidanku wadaan sifayn ku aadan goobaha laga xoreeyey cadowga iyagoola kaashanaya ciidanka booliska iyo kuwa Nabad Gugida Qaranka.
Sidoo kale waxaa war bixin laga dhagaystay wasiiru dowlaha arimaha Gudaha wuxuuna tilmaamayin la dhamaystirayo waqti dhow ciidankii booliska ahaa ee lagu wareejin lahaagoobaha laga saaray Al-shabaab sida Balcad waxaana uu ka dhawaajiyey in aycutubyadii ugu horeeyey oo ah boolis ka socda AMISOM ay soo gaareen MagaaladaMuqdisho islamarkaana u howl gali doonaan si la mid ah sida ciidanka booliskaSoomaaliyeed u shaqeeyaan.
Waxaa sidoo kale Warbixin laga dhageystay Wasaarada Dastuurka oo ku aadan halka uumarayo soo gudbinta Ergadii ansixinta Dastuurka waxaana uu sheegay wasiirku inOdayaasha Qhaqanka qaarkood soo gudbiyeen Ergadii ansixin la heyd Dastuurkainta dhimana ay rajo ka qabaan inay ku soo gudbiyaan xiliigii loogu tala galay sidauu qorshuhu yahayna uu furmo Shirkii lagu Ansixin lahaa Dastuurka.
Ugu dambeyntii Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta, ayaa warbixin isna siiyey Golahaarrimaha ku saabsan Garsoorka waxaana uu xusay in wasaaradiisu ku dadaalaysosidii loo soo dhamaystiri lahaa dhamaan laamaha Cadaaladda si loo helo Garsoorhufan oo kula xaqsoora Bulshada Cadaaladduna ay ka mid tahay mabaadi’daasaasiga u ah Dowladnimada, siyaasada xukuumadana ay tahay hirgelinta iyohorumarinta Cadaaladda.
–DHAMAAD -
"