|

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee dowladda oo saaka howl galo ballaaran ka wada Muqdisho iyo Afgooye

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee ku huebysan qoryaha casriga ayaa saaka howl galo ballaaran ka waday wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, iyo qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo degmooyinka Yaaqshiid iyo Huriwaa ayaa sheegaya in howl galo ballaaran ka socdaan, kaasoo si wada jir ah u wadaan ciidamada dowladda, gaar ahaan kuwa nabadsugida iyo ciidamada Amisom.

Howl galkan ayaa yimid markii habeenadii u dambeeyay weeraro ka dhaceen xaafado ka tirsan degmooyinkaas iyo qaraxyo lala beegsanayay kolonyada ciidamada Amisom.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa ku macneeyay howl galkan mid ammaanka lagu xaqiijinayo, isla markaana lagu raad-joogo kooxo falal amni daro ka waday xaafadaha degmooyinkaas.

Dhinaca kale waxaa howl gal baaxad leh uu ka socdaa inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo ciidamada gaarka u tababaran ka wadaan, waxaana lagu soo qabtay dad fara badan.

Dadka qaar ayaa looga shakiyay inay ka tirsan yihiin Shabaab, waxaana jira dad guryaha lagala baxay oo ciidamada ay ugu galeen saaka aroortii.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay mas’uul ka yihiin dilal qorsheysan, weeraro iyo qaraxyo habeenadii u dambeeyay ka dhacayay xaafadaha muqdisho iyo duleedkeeda.

Comments are closed