Agaasimihii hore Idaacada Horn Afrik oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho
Allaha u naxariistee C/qaadir Jiirow Sharmaarke oo ahaa agaasimihii u dambeeyay ee Idaacadii Horn Afrik ka howl geli jirtay magaalada Muqdisho ayaa xalay geeriyooday, kadib xanuuno maalmihii u dambeeyay soo wajahay.
Marxuum C/qaadir Jiirow ayaa ka mid ahaa rug cadayaasha saxafiyiinta, waxaana uu sanadihii 80-meeyadii ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho, isagoo mudadii bur burka ka soo shaqeeyay Idaacado dhowr ah.
Waxaa uu noqday Agaasimaha Idaacada Horn Afrik, xilliyadii ugu adkeyd ee idaacadaas ay soo wajahday xaaladaha adag, markii la dilay agaasimayaasheedii hore, sida Cali Iimaan Sharmaarke oo ay walaalo ahaayeen.
Dhowaanahan ayuu ka shaqeynayay Idaacad cusub oo lagu magacaabo Mustaqbal, waxaana uu ka ahaa barnaamij soo saare.
Idaacadii Horn Afrik oo la aas aasay sanadkii 1999-kii, waxaana idaacadaas oo aheyd idaacadii u horeysay oo FM ah ka howl gasha Muqdisho, sanadkii 2010 ayaa Al-Shabaab bililaqo u geysteen, iyagoo ka qaatay qalabkii FM-ka iyo Keydadkii Idaacada oo la gubay.
"