Shirkii Kooxda Xariirka Caalamiga ah oo Galabta Ka Furmay Roma iyo Ra’iisul Wasaare Gaas oo Khudbad Ka Jeediyey
Mudisho 02, July 2012……. Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay xarunta wasaarada arimaha dibadda Talyaaniga shirkii kooxda xariirka calamiga ah eeSoomaaliya ( international contact group ICG ) waxaana shirkaas ka qayb galaya Dowladda Federalka KMGah ee Soomaaliya maamulada Puntland, Galmudug, iyo Ururka Ahlusuna Waljameeca,shirkani waxaa uu furmay 2:pm duhurnimo waxaana uu socon mudo laba cisho ah.
Waxaa shirka furay wasiirka arimaha dibada Talyaaniga Mudane Giulio Terzi waxaana uu kagahadlay khudbadiisa horumarka dhan kasta leh oo ka socda Soomaaliya kaas oo ayhormuud ka tahay dowladda KMG ah iyadoogarab ka helaysaa wadadamada ku bahoobay urur Gobleedka IGAD iyo midowgaAfrica, waxaa kale oo wasiirku soo hadalqaaday xariirka soo jireenka ah oo ka dhaxeeya dowladda Talyaaniga iyoSoomaaliya isagoona goobta ka cadeeyey in Talyaanigu la garab taaganyahayshacabka Soomaalyeed taageero dhinac kasta leh.
Ra’iisulSoomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kasoo jeediyey shirka khudbad aad u qiimo badan isagoo ka warbixiyeyguulaha is daba jooga ah ee ay gaareen ciidamada qalabka sidda ee Soomaaliyaiyo kuwa Amisom, waxaana Ra”iisul wasaare Gaas sheegay in bishii lasoo dhaafayay gacanta dowladda kusoo noqotay degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ah meeloaad muhiim ugu ah isu socodka gobolada dalka. Waxaa kale oo Ra’iisul wasaaruhusheegay in dowladdiisu meel gabagabo ah marinayso qodobadii ku xusnaa Roadmap-kaiyadoo Odayaasha dhaqanka ay ku guda jiraansidii loo soo gudbin lahaa ergooyinkii ansixin lahaa Dastuurka dalka.
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaas ayaa u sheegay kasoo qayb galayaasha shirka in ciidamaddaqalabka sida ee Soomaaliya ay ku guulaysteen inay xoog kusoo furtaan saakawaabarigii la haystayaal laga soo afduubtay usbuucii la soo dhaafay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya kuwaasoo u shaqaynayey Norwegian Refugee Council , sidoo kale Ra’iisul wasaare Gaaswaxaa uu cambaareeey kooxda argagaxisada ah ee Al-shabaab qaraxyadii shalay ayka gaysteen Kaniisad ku taala magaalada Gaarisa ee dalka Kenya.
Shirkaan oo ah kii ugu danbeeyey oo ay soo qaban qaabiso kooxda xariirka caalamiga (InternationalContact Group) xiliga KMG ah ayaa socondoonaa mudo labo cisho ah waxaana looga hadli doonaa qodobo ay ka mid yihiin:
1. Dhameystirka xiliga kala guurka
2. Sidii loo wajihii lahaa wixii kadanbeeya kala guurka
3. In daba gal lagu sameeyo go’aanadii kasoo baxay shirkiiIstanbuul iyo London
4. Arrimaha kusaabsan amniga iyo cadaaladda
5. Sidii dib u habeyn loogu sameyn lahaa kooxda xiriirkacaalamiga ah
6. Sidii loo taageerilahaa AMISOM & ciidamada nabadgelyadda Soomaaliya.
" 
