|

Shabaab oo xukun dil ah shalay nin gacan ku dhiigle ku fuliyay fagaare ku yaal Magaalada Marka

Shabaabka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shalay gelinki danbe xakun dil ah kula fuliyey meel fagaara ah nin gacan ku dhiigle ahaa.

Garsooraha Maxkamada guud ,  Shiikh Cabdi Xaq ayaa meel fagaara ah kaga dhawaaqay xakunka dilka ah oo lagu fuliyey gacan ku dhiigley Cabdi Maxamuud Cismaan ‘Qooreey’ kaasi oo lagu helay danbi ah inuu horay u dilay laba nin.

Shiikh Cabdil Xaq waxa uu u sheegay dad isugu soo baxay in ay daawadaan dilka gacan ku dhiiglaha, in maxkamadu ay ku heshay cadeymo iyo marqaatiytaal.

Sidoo kale maxkamada ayaa sheegtay in ay codsadeen ehelada dadki uu horay u dileen ninkan oo kala ahaa Maxamuud Cali Yuusuf  Cilmi Maxamed Samatar in loo dilo ninkan.

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay ka arimiyaan ka fuliya xukunada ku saleysan Shareecada Islaamka, iyadoo ay horay u rideen xukuno isugu jiray gacan goyn, garbaash, iyo dhagax ku dilid

Xakunka qisaasta ah ayaa yareyn kara dilalka macna darada ah ee ay dadka qaar kula kacaan dadka masaakiinta ah, kaasoo ka dhaca gobolada dalka qaar.

Comments are closed