Ciidamada dowladda oo howl gal ku soo bad baadiyay shaqaalihii sama falka ee laga soo afduubtay Xerada Dhadhaab
Ciidamada dowladda ayaa goor dhow soo badbaaday shaqaale sama fal oo gaarayay afar, kadib markii jimcihii la soo dhaafay ay dabley hubeysan ka soo qafaasheen Xerada qaxootiga ee Dhadhaab.
Sida ay sheegayaan wararka howl galkan oo saaka dhacay ayaa Ciidamada dowladda waxay ku guuleysteen in deegaan lagu magacaabo Cali Buley oo ku dhow degmada Dhoobley ay kuu furtaan shaqaalahan.
Sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya oo lagu magacaabo Col. Abdullahi Moalim ayaa xaquujiyay inay soo bad baadiyeen shaqaalahan ajnabiga, kadib markii ay howl gal sameeyeen saaka.
Howl galka baadigoobka lagu hayay shaqaalahan ayaa socday labadii maalmood ee u dambeeyay, iyadoo ay ka qeyb qaadanayeen diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Kenya ay leedahay.
Shaqaalahan oo u shaqeynayay Hey’adda Norweigian Refugee Council (NRC) ayaa weerarkii lagu afduubnayay lagu dilay darawalkooda mid kalena lagu dhaawacay, waxaana ay u kala dhasheen dalalka Canada, Pakistan, Norway iyo Philipine.
Wararka ayaa sheegaya in hada shaqaalaha la geeyay degmada Dhoobley, iyadoo uu gacanta uu ku haayo Jen. Ismaaciil Saxardiid oo ah taliyaha Ciidamada dowladda ee Jubooyinka.
Goor dhow ayaa la filayaa in diyaarad lagaga soo qaado magaalada Dhoobley, iyadoo ammaankooda si aad ah loo adkeeyay.
Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
"