|

Qarax bambaano lagu weeraray Kaniisad ku taal magaalada Gaarisa

Qarax bambaano ayaa goor dhoweyd lagu weeraray kaniisad ku taal magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, iyadoo qaraxyada ay sababeen dhimasho iyo dhaawac fara badan.

Ku dhowaad 10-ruux ayaa ku dhintay qaraxa, halka afartan kale ay ku dhaawacmeen sida ay xaqiijiyeen booliska, markii kooxo hubeysan ay bam ku tuureen Kaniisada, xilli dad fara badan ku cibaadeysanayeen.

Weerarkan lagu qaaday kaniisada ayaa yimid maanta oo axad ah xilli dad fara badan ay ku qul quleen, si ay u cibaadeysteen kaniisada katooliga ee AIC.

“Waxaa laga cabsi qabaa in dad badan ay ku dhinteen weerarkan Bam gacmeedka ah” sidaa waxaa wakaalada wararka Reuters usheegay Philip Ndolo oo ah madaxa ciidamada Booliska magaalada Garissa.

“Kooxda weerarka sooq aaday waxay Bam Gacmeed kusoo tuureen labada kaniisad ee lagu kala magacaabo AIC iyoAfricanInlandIndipendentChurch” ee magaalada Garissa

Ciidamada Kenyan ah ayaa la geeyay meesha uu qaraxa kadhacay sida ay qortay wakaalada wararka Reuters, iyadoo ay soconayaan howl gurmad ah oo ay ka qeyb qaadanayaan shaqaalaha gar gaarka deg dega ah.

Comments are closed