Munaasabad ballaaran oo lagu xusayay 1-da Luulyo oo xalay lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada (Daawo Sawirro)
Munaasabad si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay looguna dabaal degayay 1-da Luulyo 52-guuradii ka soo wareegatay markii Gobolada Koofureed xornimada ka qaateen Gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Gobolada Koofur iyo Waqooyi ayaa xalay laga xusay Magaalada Muqdisho, waxaana xafladii ugu ballaarneyd ka dhacday Xarunta Madaxtooyada.
Munaasabada ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay wehliyeen Marwooyinkiisa, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo AMISOM, qeybaha bulshada iyo marti sharaf ah.
Bilowga Xaflada ka dhacday Madaxtooyada ayaa waxaa lagu soo bandhigay heeso iyo suugaan ay soo bandhigeen Hobolada qaranka ee Waabari, iyadoo martidii ka qeyb gashay ku madadaaliyay suugaan kala gedisan oo wadani ah, kaasoo si qiiro leh ugu beertay ka qeyb galayaashii.
Abaarihii 12-ka habeenimo ayaa la saaray Calanka Jamhuuriyada Soomaaliya, waxaana kooxda Baambeyda ee Muusikada ay garaaceen astaanta qaranka, iyadoo Madaxweyne Shariif uu salaan sharaf ka qaatay Ciidamada qalabka sida oo u diyaarsanaa inay salaan sharaf siiyaan.
Intaas kadib ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay ayaa bogaadiyay shacabka Soomaaliyed munaasabada 52-guuradii ka soo wareegatay Xornimada Gobolada Koofureed iyo is raacii Gobolada Waqooyi iyo koofur.
“Salaan kadib waxaa jeclahay inaan shacabka ugu hambaleeyyoi xoriyadii dalka 52- guuradii ka soo wareegatay, is raacii gobolada waqooyi iyo koofur, shacabka meel walba ay joogaan waxaan leeyahay hambalyo, sanadkan kiisa guul barwaaqo iyo nabad iyo dhibaatada laga soo kabsado Alle ha inagu gaarsiiyo”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo u mahad celiyay Ciidamada qalabka sida iyo Ciidamada AMISOM guulihii ay gaareen.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in Dowladnimada ku timid fikir dadka dhan isla garteen, isagoo xusay in xornimadii kadib aan la helin himilooyinkii shacabka, hase ahaatee ay haatan rajeynayaan in wixii dhacay aan dib loogu laaban.
Shariif ayaa sheegay in Al-Shabaab iyo Al-qaacida ay fikir ahaan, siyaasad ahaan iyo milateri ahaan ay bur bureen, isagoo cadeeyay inay noqon doonaan marxalada soo socota taariikh ay xusaan shacabka Soomaaliyed.
Ugu dambeyn Munaasabadii xalay ka dhacday Madaxtooyada oo aheyd tii ugu ballaarneyd ee sanadihii u dambeeyay aanay ka dhicin dalka ayaa waxaa wehliyay munaasabado si gaar gaar ah lagu weyneynayay oo lagu xusayay 1-da Luulyo, waxaana ay ka kala dhaceen degmooyinka Howlwadaag, Wardhiigley, Shibis, Dharkeenley iyo degmooyinka kale ay ahaayeen kuwo isku mid ah oo jawi nabad ah ay ku soo idlaadeen.

























"