|

Tarsan “Waxaan u diyaar garownay shirweynaha ansixinta dastuurka iyo inaan marti gelino 825-ergo”

Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud axmed Tarsan ayaa shaaca ka qaaday inay u diyaar garoobeen sidii ay u marti gelin lahaayeen shirweynaha lagu ansixinayo Dastuurka iyo ergooyinka ka qeyb galeysa shirkaas.

Isagoo shalay ka hadlayay banaan bax ballaaran oo ka dhacay Istadium Conis, kaasoo lagu tagaeerayay wada hadadladii Somaliland iyo Soomaaliya ayuu sheegay in shirka Muqdisho uu yahay guul.

“Waxaan u diyaar garownay in reer Muqdisho ay shirkaas marti geliyaan, waxaan diyaar u nahay inaan qaabilsan 825 ergo”ayuu yiri Tarsan oo cod dheer ku sheegay in xataa hadii Caalamka dhaqaale laga heli waayo aanu u hakan doonin shirka.

Gudoomiye Tarsan ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay inuu ka qeyb qaato wixii tasiilaad ah ee ku baxaya shirka, hadii beesha caalamka ay dhaqaalaha bixin waayaan.

Waxaa la filayaa in 12-ka bisha July la qabto shirka lagu ansixinayo Dastuurka, iyadoo ay jirto shaki laga qabo inuu dib u dhac ku yimaado shirkan, maadaama wali wax qabyo yihiin.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Muqdisho ayaa geli doonta is bedel dhinaca kala guurka ah, iyadoo ay ku soo qul qulayaan musharaxiin fara badan oo dooneysa in 20-ka bisha ay isu soo taagana doorashada madaxtinimo.

Comments are closed