Qarax Miino oo xalay lala beegsaday Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom
Qarax miino ayaa xalay fiidkii kolonyo ay la socdeen Ciidamada Amisom lala beegsaday, iyadoo warar kala duwan ka soo baxayaan qasaaraha ka dhashay qaraxa.
Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa lala eegtay gaari nuuca Beebaha ah oo ay la socdeen Ciidamada Amisom, xilli uu marayay inta u dhaxeysa Warshadii Baastada iyo Xerada Maslaxa.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa weyn ay maqleen, deetanaa gaariga uu dab qabsaday, iyadoo ciidamada ay xilligaas u soo gurmadeen gaariga qaraxa uu haleelay.
Mid ka mid ah saraakiisha dowlada ayaa sheegay in qaraxa uu bur buriyay gaariga Amisom, inkastoo uu ka gaabsaday inuu ka hadlo qasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay inay ku dishay dhowr askari oo ka tirsan ciidamada Amisom oo saarnaa gaariga.
Qaraxan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo ciidamada Amisom lagula eegto suuqa xoolaha oo dhowaan ay ka qabsadeen Al-Shabaab, iyadoo xerada Maslaxa oo ku taal duleedka suuqa xoolaha fariisin ku leeyihiin ciidanka Amisom.
"