Ciidamada Kenya oo bilaabay baadigoob ay ugu jiraan shaqaale ajaaniib laga afduubtay Xerada Dhadhaab
Iyadoo shalay dabley hubeysan ay xerada qaxootiga Dhadhaab ka qafaasheen shaqaale sama fal ajaaniib ahaa oo u shaqeynayay Hey’adda Norwegian Refugee Council ayaa waxaa soo baxaya in shaqaalahaas lala aaday dhinaca xuduuda Soomaaliya.
Weerarkan oo uu ku dhintay mid ka mid ah darwalada hey’adda, mid kalena uu ku dhaawacmay ayaa ka dambeeyay markii dableyda ay weerartay kolonyo ay la socdeen shaqaalaha.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay inay baadigoob ugu jiraan shaqaalaha hey’adda, iyadoo diyaaradahooda Helicopter-ka ay dul heehaabayaan xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.
Afhayeen u hadlay Ciidamada milateriga Kenya oo lagu magacaabo Col. Cyrus Oguna ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP inay ka war heleen in shaqaalahaas lagu haayo meel 30-KM u jirta Xerada dhadhaab.
Waxaa uu sheegay in ciidamadooda ku sugan Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan howl galka lagu baadigoobayo shaqaalaha ajaaniibta oo u kala dhashay dalalka Canada, Norway, Pakistan iyo Philippine.
Afduubkan ayaa noqonaya kii u horeeyay ee sanadkan ka dhaca xeryaha qaxootiga, iyadoo sanadkii hore afduub sidan oo kale loogu geystay xeryaha qaxootiga Kenya lagu soo qafaashay labo haween u dhashay dalka Belgium, kuwaas oo u shaqeynayay Hey’adda MSF.
"