|

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland oo ka warbixiyay kulankii Madaxweyne Shariif iyo Madaxweyne Siilaanyo ku yeesheen Dubai (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar ayaa ka warbixiyay kulanka dhex maray Madaxweynaha Dowladda KMG iyo Madaxweynaha Somaliland, isagoo sheegay inuu daba socday shirkii dhowaan ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Mr Cumar ayaa sheegay in kulanka oo maanta ka dhacay Magaalada Dubai ay labada Madaxweyne ku ogolaadeen heshiiskii shirkii London, isla markaana ay soo dhoweeyeen sida uu yiri.

“Kulankii dhex maray labada madaxweyne wuxuu daba socday shirkii dhowaan ka dhacay Ingiriiska ee Gudiyada labada geesood ku wada hadleen kuna heshiiyeen qaabka wada hadalka, shirka wuxuu ka dhacay Dubai, labada Madaxweyne way ogolaadeen heshiiskii shirkii London wayna soo dhoweeyeen”ayuu yiri Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo wareysi siiyay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da.

“Waxay fasaxeen labada gudi inay sii wadana wada hadalka in arrimaha laga wada hadlo, waxaa shirka ka soo qeyb galay, marti gelintiisa lahaa imaaraadka carabta, wasiiru dowlaha iyo wasiir kuxigeenka iyo mas’uuliyiinta Carbeed”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Dr. Maxamed C/llaahi ayaa sheegay in Labada Madaxweyne ay muujiyeen taageero, ogolaansho iyo hogaamin Gudiga labada dhinac, kaasoo uu xusay inay hoosta ka xariiqeyso in wada hadalada in si mug dheer oo ballaaran loo wado sida uu yiri.

Waxaa uu sheegay in labada Madaxweyne ay saxiixeen Documenti ku aadan in wada hadala uu dhex maro, hadii Dowladda hada jirta ay bedesho dowlad kale, isla markaana la sii wado, taasoo uu xusay in aanay aheyn wax dhibaato ah.

Kulankan dhex maray Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa noqonaya kii u horeeyay si fool ka fool, oo Madaxweyne Somaliland ah uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii 1991-kii ay ku dhawaaqday Somaliland inay gooni isaga taagtay.

Comments are closed