|

Qarax miino oo maanta Bariga magaalada B/weyn lagula eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah

Qarax miino oo qasaare kala duwan geystay ayaa maanta bariga magaalada B/weyn lagula eegtay Ciidamo Itoobiyaan ah oo lugeynayay, iyadoo qaraxa kadib la maqlay rasaas ay fureen.

Sida wararku sheegayaan qaraxa miino ayaa la sheegay in askar ka tirsan Ciidamada Itoobiya ka soo gaaray qasaare dhimasho iyo dhaawac ah, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn.

Wararka qaar ayaa sheegaya in rasaas ay fureen ciidamada ay dhaawacday dhowr ruux, iyadoo lagu kala cararay goobihii ganacsiga iyo faras magaalaha ay dadka isugu yimaadaan.

Gudoomiye kuxigeenka Maamulka Gobolka Hiiraan Axmed Inji ayaa sheegay in aanay jirin wax qasaare ah oo sababay, isagoo xusay inay qabteen qaar ka mid ah kooxihii ka dambeeyay qaraxa.

Xaalada magaalada B/weyn oo xilliyada qaar oo ah mid bandow ku jirta, xilliga ay ciidamada Itoobiya biyaha ka dhaansanayaan, ayaa hadana waxaa ka dhaca qaraxyo lala beegsado.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa dhowaan sheegay in xaalada magaalada B/weyn ay soo hagaageysay ammaankeedana uu wax badan iska bedelay.

Comments are closed