Madaxweyne Shariif oo sheegay in hadii la caawiyo ay cagta marinayaan Burcad badeedka Soomaaliya
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay inay cagta marin doonaan kooxaha burcad badeeda, hadii gacan laga siiyo sidii ciidamada badda Soomaaliya lagu dhisi lahaa, laguna qalabeyn lahaa.
Hadal uu ka jeediyay kulan looga hadlayo arrimaha burcad badeeda ayuu sheegay in burcad badeeda ay muddo sanad ku ciribtiri karaan, hadii ay caalamka ka helaan taageeradii looga baahnaa.
“Burcad badeeda aduunka kuma noola, Soomaaliya ku nool yihiin, hadii caalamka naga gacan siiyo waxaa ku dadaali doonaa inaan ka ciribtirno”ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo ka hadlayay shir 50-dowladood ka qeyb galayeen oo burcad badeeda looga hadlayay, kana furmay dalka isu taga Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in ilaa 6-kun askari ay u diyaar yihiin in loo tababaro, si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda, isagoo cadeeyay inay awood u leeyihiin inay ka hortagaan falalka burcad badeednimada.
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa u diray fariin burcad badeedka inay cafis u fidiyeen inta lagu guda jiro maalmaha xoriyada, isagoo xusay inay howshooda ka soo laabtaan, isla markaana ka baxaan arrimaha burcad badeedka.
Kooxaha Burcad badeeda ayaa si buuxda uga howl gala qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya, iyagoo haatan afduub u heysta maraakiib badan, waxaa jira maraakiib ay madax furasho ku sii daayeen.
"