Al-Shabaab oo sheegay in ilaa 30-askari Itoobiyaan ku dileen weerar ka dhacay duleedka Baydhabo
Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay in weeraro shalay la beegsatay kolonyo ay la socdeen Ciidamada Itoobiya ku dileen ilaa sodomeeyo askari , xilli ay marayeen duleedka magaalada Baydhabo.
Afhayeenka howl galada Shabaab C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay in weerarkaas oo ahaa mid qorsheysan ay la heleen mid ka mid ah gaadiid ay ka buuxeen ciidamada rasaas iyo qoryaha boobayaasha.
“Waxaan ka dilnay ilaa sodon askari, xabashidii qaarna waa cararen, qaarna waa leynay, deegaan Goof-gaduud ayay ka baxeen sahayna waxay u doonteen Baydbabo”ayuu yiri.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkaas uu qeyb ka ahaa weeraro jidka ugu galayaan sahayda iyo saanada u sida ciidamada Itoobiya, isagoo xusay inay go’doominayaan meel walba ay joogaan.
Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Maamulka gobolka Baay ayaa sheegay in saddex ka mid ah kooxihii soo weeraray ay dileen, meydkoodana uu yaalo duleedka magaalada Baydhabo.
Al-Shabaab ayaa dhowaan gacantooda ka baxday magaalooyin iyo deegaano muhiim ah, iyadoo dagaalkooda u bedelay weerar ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.
"