Xeefow “Dhowaan waxaa noo qorsheysan inaan dib ugu laabano deegaanadii laga soo baxay”
Gudoomiyaha Golaha Fulinta Ahlusuna Wal-jameeca Shiikh Maxamed Yuusuf Xeefow ayaa sheegay in dhowaan ay u qorsheysan tahay inay dib ugu laabtaan deegaanadii dhowaan ay ka soo baxeen ee Galgaduud, si ay uga saaraan maleeshiyaadka Shabaab.
Shiikh Xeefow ayaa sheegay in qorshahooda yahay sidii howl galada u sii wadi lahaayeen, isla markaana ay gaari doonaan deegaanada kale ee ay ku dhuumaaleysanayaan sida uu yiri.
“Waxaa noo qorsheysan inaan gaarno deegaano badan, deegaanadii u dambeeyay waa ku laaban doonaa”ayuu yiri Shiikh Xeefow.
Sidoo kale Xeefow ayaa tilmaamay in aanay xilligan jirin wax khilaaf ah oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya iyo Maamulka Ahlusuna.
Waxaa uu kaloo uu cadeeyay in la diyaariyay ciidamada Ahlusuna ee ka qeyb qaadan lahaa howl galka ku wajahan deegaanada kale ee Galgaduud, isla markaana aan laga bixi doonin.
Maalmo ka hor ayay aheyd markii kulan ka dhacay magaalada Guriceel looga hadlay howl galada ku wajahan deegaanada Galgaduud, kadib markii dhowaan ciidamada Ahlusuna iyo kuwa Itoobiya ay ka soo baxeen degmada Ceelbuur iyo deegaano kale.
"