|

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo sheegay in Ciidamo dheeraad ah u dirayaan Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlayay Munaasabada 27-ka June markii ay Jabuuti xornimada ka qaadatay Gumeystihii Faransiiska sanadkii 1977 ayaa sheegay inay ku dhiiradeen in Ciidamo u diraan Soomaaliya, si ay gacan uga geystaan nabad ku soo dabaalida.

Khudbadiisa oo  dhinacyo badan taabanaysay ugana hadlay xaalada Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin sabab ka reebi karta inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinayo Soomaaliya, si ay cagaheeda isugu taagto.

“Ciidamada aan direyno waxay naftooda u hurayaan walaalahooda, inay ka dhiciyaan argagixisada iyo Qaacidada meesha joogta, inay nabadooda, sharafkooda, u soo celiyaan”ayuu yiri Ismaaciil Cumar Geelle.

“Walaalaheen Soomaaliya, gurmadka wax naga reebayo ma garaneyno, fulaynimo nama heyso, ragga ciidamada aan direyno hiil aan u bixinay waajibkooda maanta kolkee nala ciidaan inay howl galaan ayaa rabnaa, madaxoodana waxay halkan u yimaadeen inay dadweynaha arko, kalsoonida aan ku qabno muujino”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in maanta si gaar ah uga duwan tahay maalmaha kale, isla markaana maanta ay tahay maalin ciida gobonimo ah, si gaar ah sanadkan uga qeyb galayaan dadweynaha iyo xuska loo sameynayo.

Ciidamada qalabka sida Jabuuti ayaa socod ku maray qeybo ka mid ah Caasimada Jabuuti, iyagoo gaada ka ciyaar ku soo bandhigayay, waxaana munaasabadaas oo aheyd mid si heer sare ah loo soo qaban qaabiyay ay ka qeyb galeen safiirada dalalka caalamka u fadhiya iyo Mas’uuliyiinta ugu sareysa Jabuuti.

Caawa ayaa la filayaa in magaalada Jabuuti lagu qabto Bandhig faneedyo, suugaan iyo heeso lagu soo bandhigayo, kaasoo ay ka qeyb galayaan Fanaaniintii caanka aheyd ee Soomaaliyed, waxaana ka mid ah Fanaanada Hibo Nuura.

Si kastaba ha ahaatee Jabuuti ayaa bishii December ee sanadkii hore Muqdisho u soo dirtay cutubkii u horeeyay Ciidamo ka qeyb qaadanaya howl galka AMISOM, iyadoo Jabuuti ay haatan ka howl galeyso Magaalada Beledweyn ee Bartamaha Soomaaliya.

Comments are closed