|

Al-Shabaab oo sheegtay in weerar gaadmo ku dileen Gudoomiye kuxigeenka deegaanka Ceelasha Biyaha

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar qorsheysan ay shalay gelinkii dambe ku dileen gudoomiye kuxigeenkii deegaanka Ceelasha Biyaha ee dowladda ay dhowaan u magacawday, iyadoo warar qaar ay sheegayaan in gaari uu la socday la qalibmay.

Gudoomiye kuxigeenka oo lagu magacaabayay Maxamed Aadan Qoorgaab ayaa la sheegay in isaga iyo qaar ka tirsan ilaaladiisa gaarigii ay la socdeen uu la rogmaday, waxaana dhintay gudoomiyaha iyo labo kale.

Sida uu saxaafada u sheegay gudoomiye deegaanka Ceelasha Maxamed Faarax Cabdi Gacamey, waxaa uu meesha ka saaray wararka la isla dhex marayo oo ah in gaariga gudoomiye kuxigeenka la weeeraray ka hor inta uusan shilka gelin.

Bar Internet-ka oo ku hadlay afka Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar dhaba gal ah oo lagu qaaday gaadiidka oo xowli ku socday lagu qaarijiyay gudoomiye xigeenka, isla markaana uu ku rogmaday gaarigiisa.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay sii wadeyso weerarada dhaba galka ah ee ay ku qaadeyso Kolonyada ciidamada dowladda ee ku safarta inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Maalintii jimcaha ayay aheyd markii weerar qorsheysan ay ku dileen Taliyihii saldhiga ciidanka deegaanka Ceelasha Biyaha Afrax Cali Afrax, markii gaari uu la socday ay jidka u galeen.

 

 

 

Comments are closed