Ra’isal Wasaare C/wali Gaas oo booqasho ku tagay degmada Balcad
Ra’isal wasaaraha Soomaaliya C/wali gaas ayaa booqasho ku tagay degmada Balcad ee gobolka Shabelaha Dhexe, saacado kadib markii ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay la wareegeen.
Safarka Ra’isal wasaaraha ayaa waxaa ku wehliyay kuxigeenkiisa ahna wasiirka ganacsiga, iyo wasiiro ka tirsan xukuumada, iyadoo Ra’isal wasaaraha markii uu gaaray Balcad kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada.
Ra’isal wasaaraha oo lagu waday kolonyo qafilan oo ay ilaalinayeen ciidamada Amisom ayaa markii hore safar dhinaca dhulka ah uga baxay Muqdisho, iyagoo si nabad ah ku gaaray.
Waxaa uu kormeeray xarunta maamulka degmada, saldhiga iyo fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ku leeyihiin duleedka degmada Balcad.
Ra’isal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa maqribnimadii caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyagoo safarkooda dhulka ah aanay la kulmin wax weerar ah.
Booqashada Ra’isal wasaaraha oo aheyd mid kedis ah ayaa noqoneysa tii u horeysay uu ku tago, iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay si buuxda ula wareegeen degmada Balcad saaka waabarigii.
"