C/raxmaan C/shakuur oo si rasmi ugu dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxtinimada Soomaaliya
Xidhihbaan C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa isku soo taagay xilka madaxnimo ee Soomaaliya, isagoo kaga dhawaaqay inuu murashax yahay xaflad shalay ka dhacday Muqdisho.
Munaasabadda uu xildhibaanku kaga dhawaaqay murashaxnimadiisa ayaa waxaa goobjoog ka ahaa siyaasiyiin, culumaa’uddiin, salaadiin, dhallinyaro iyo haween, iyadoo goobta ay hadallo kala duwan ka jeediyeen xubnihii kasoo goobjoogayaasha ahaa qaarkood.
“Siirada nebiga(CSWS) ayaan ka bartay inaan loo baahnayn in hoggaamiyuhu dhib ka sheekeeyo,” ayuu hadalkiisa ku billaabay C/raxmaan C/shakuur isagoo raaciyay: “Uma baahnin inaan dhibta ku celcelinno waxaanse u baahan nahay hoggaan higsi ama ujeeddo leh.”
Murashaxu wuxuu sheegay in haddii uu guuleysto uu dalka ka dhalin doono amni uuna ku hoggaamin doono caadaalad, sidoo kalena uu xoogga saari doono arrimaha dibadda, uuna la dagaalami doono kooxaha xag-jirka ah.
“Anigu haddii la i doorto waxaa aan muhimadda koowaad siinayaa dhismaha saddex hay’adood oo tiir dhexaad u ah dowlad salka dhigata. Isagoo ku sheegay ,” ayuu yiri isagoo hay’adahaas ku tilmaamay amniga, garsoorka iyo dhaqaalaha.
“Nabaddu sideedaba waa in muwaadinku dareemaa ammaan iyo xasilooni, taasna caddaalad la’aan lama helayo,” ayuu mar kale yiri. “Somaliya mar kasta waxay ku fashilmeysay siyaasadda arrimaha dibadda, taasna xoogga ayaan saarayaa.”
Sidoo kale, murashaxu wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan ku filnayn in milateri ahaan loola dagaalamo, isagoo sheegay in firkir kale oo ah in la caddeeyo fikirka ay haystaan ay tahay midda lagula dagaalami karo, isagoo xusay in markii culumada Islaamku ay ku sheegeen dhaqankooda mid ka baxsan diinta Islaamka ay aad u qal-qaleen.
Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa waxaa erayadiisii ka mid ahaa: “Waan ogaa in C/raxmaan yahay aqoon-yahayn waddani ah, waxaanse maanta ogaaday inuu geesi yahay.”
Mas’uuliyiintii kale ee goobta ka hadlay ayaa iyaguna waxay amaaneen murashaxa iyagoo sheegay inay soo dhaweynayaan ayna taageerayaan, waxaana uu ka mid noqonayaa xildhibaan C/raxmaan C/sharkuu oo wasiir soo noqday murashaxiinta u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.
Taariikhda Nololeedka C/raxmaan C/shakuur Warsame oo kooban
· Abdirahman Abdishakur wuxuu ku dhashat degmeda B/burte ee Gobolka Hiiraan sanadkii 1968.
· Wuxuu tacliintiisii Hoose/ Dhexe iyo sare ku qaatay isla degmadaas isagoo labo sano oo gurmadka qaranka ah ku qaatay isla degmadaas.
· Craxmaan wuxuu shahaadadiisii koowaad ee jamacadda ka qaadatay wadanka Suudaan oo uu ka bartay sharciyada, isagoo Shahadadii labaad Masters Degree ku sameeyey wadanka Malaysia.
· Wuxuu koorsooyin la xiriira hogaanka iyo maamulka ku sameeyey Machadka Hogaanka iyo Maamulka ee London.
· Craxmaan ka hor intii uusan ku biirin siyaasada wuxuu ka shaqeeyey arrimaha Samafalka iyo Saxaafada.
· Wuxuu kaloo ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda siyaasadeed ee dadka Soomaaliyeed isagoo wax ka aasaasay ururada Somali Concern Group iyo Somalia Diaspora Conference.
· Wuxuu noqday gudoomiye ku xigeenkii Golahii Dhexe ee Isbahaysiga Dib u Xoraynta Soomaaliyeed lagu dhisay magaalada asmara .
· Wuxuu kaloo garwadeen ka ahaa shirkii dib u heshiisiinta ee Jabuuti isagoo madax u ahaa wafdigii wadahadallada u matalayey isbaheysigii dib uxoreynta Somaliya halkaasoo lagu soo dhisay dawlada kmg ah ee haatan jirta.
· Craxmaan wuxuu noqday xubin Baarlamaanka ka tirsan isagoo loo magacaabay wasiirkii qorshaynta Qaranka iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee DKMG.
· Wuxuu Soomaaliya u metalay shirarka heer gobol iyo caalami ah oo tiro badan, isagoo muddo 20 sano ah markii ugu horeysay oo ay Somaliya shir gudoomisay Golaha wasiirada ee jaamacadda carabta ee ka dhacay dalka masar noqday shirgudoonkii Golaha Wasiirada Arrimaha Debeda ee Jaamacada Carabta, halkaasoo Amiiradii iyo wasiiradii shirka ka qeyb galay ay Somaliya ugu Hambalyeeyeen ammaan fara bandanna ugu soo jeediyeen qaabkii uu shirka u hagay Mr Cabdiraxman gaar ahaan Xirafaddii iyo Diblomaasiyadda uu muujiey markii khilaaf xoog badani soo kala dhex galay waddamada Ciraaq iyo Suuriya ay guddi uu Mr Cabdiraxman Hogaaminayey ku guuleysteen iney khilaafkaas dhaqso u xaliyaan.
· Waxaa uu Mr cabdiraxmaan oo ah sharci yaqan ku takhasusay arrimaha dastuurka aqoon durugsan u leeyahay sharciga diinta islaamka, sharciyada caalamiga ah ( international law) iyo dhaqanka iyo taariikhda Somaliya.
· Waxaa uu si joogto ah uga faallooda halka ay mareyso xaaladda siyaasadda, amniga iyo bulshada ee Somaliya iasagoo marar badan dadka somaliyeed marar badan uga digay iney dhici karto in wadanku gumeysi dib ugu laabto haddii aan xal loo helin mushkiladda dabo dheeraatey ee Somaliya.
Waxaa uu leeyahay qoraallo fara badan oo uu ku qaadaa dhigay xal u helidda mushkiladaha Somaliya , soo if baxa xarakaadka Islaamka siyaasiga ah, cilaaqaadka Somaliya iyo Dunida inteeda kale isagoo baaritaan dheer ku sameeyey qaabka wadamadu uga soo kabataan dagaalada dabo dheeraaday sida kal dalkeenna ka dhacay oo kale.
Waxaa diyaariysay: Ifraax Daahir
Weriye madax banaan
Muqdisho, Soomaaliya
Ifraax11@gmail.com






"