Madaxweyne Shariif oo sheegay in xataa hadii ay dhacdo Dowladdiisa la wanaajinayo xiriirka Itoobiya
Madaxweynaha soomaaliya Shariif Shiikh Axmed ayaa shaaca ka qaaday inay adkeyn doonaan xiriirka kala dhaxeeya Itoobiya, isagoo ammaanay howl galada ciidamada Itoobiya ka wadana gudaha Soomaaliya.
Isagoo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Nairobi ayuu sheegay in xirirka dowladaha deriska uu muhiimad gaar u leeyahay, isagoo ka dhawaajiyay in Itoobiya door ku leedahay nabada Soomaaliya.
“Itoobiya xiriirkooda muhiim ayuu inoo yahay, doorkooda waa muuqda, Ra’isal wasaarahooda Meles waxaa ka go’an nabad ka aslaaxda soomaaliya, waana uga mahad celineyna”ayuu yiri Shariif.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ka qeyb qaadanayaan howl galada lagu qabanayo gobolada dalka, ee Al-Shabaab looga saarayo, isagoo intaa ku daray in dowladaha deriska ay mowqif ka wada qaateen la dagaalanka Shabaab.
Shariif ayaa xilligii uu ahaa hogaamiyihii maxkamadaha waxaa uu aad uga soo horjeeday fara gelinta ciidamada Itoobiya, iyo dagaalkii ay ku soo gashay Soomaaliya.
Hase ahaatee siyaasadiisa ayaa is bedeshay markii uu qabtay xilka madaxtinimada Soomaaliya, isagoo bilaabay dadaalo diblomaasiyadeed oo uu ku xoojinayo xiriirka Soomaaliya la laheyd dalalka caalamka.
"