|

Madaxweynaha, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha oo Muqdisho ku soo wada laabtay (Sawirro)

Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, iyadoo Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ay hal diyaarad ku wada yimaadeen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka soo horeeyay ayaa diyaarad gaar ahi ka soo dejisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo kadib ku soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo Afhayeenka Baarlamaanka oo isla socday.

Ra’iisul Wasaaraha oo markii uu soo gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho la hadlay saxaafada ayaa sheegay in shirkii ka dhacay Magaalada Nairobi ku tilmaamay mid guul ku soo dhamaaday.

“Waxaa magaalada Nairobi noogu soo dhamaaday Shirkii ay ka soo qeybgaleen Saxiixayaashii Roadmap-ka, Wuxuuna shirkaasi kudhamaaday si guul ah islamarkaana sidii loo derder gelin lahaa howlahaasi”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale Madaxweyne Shariif, Gudoomiyaha Baarlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Mas’uuliyiintii kale soo kormeeray Xafiisyada Garoonka diyaaradaha iyo howlaha ka socda, waxaana ay warbixin ka dhageysteen Taliyaha Hogaanka Socdaanlak iyo Jinsiyadaha Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud, isagoo tilmaamay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay garoonka laga sameeyay horumar fiican.

“Mudane Madaxweyne, Garoonka horumar fiican ayaa laga sameeyay, waxaan sameyney qalab lagu baarayo dadka iyo alaabta, Inaan hubino Passpord-ka, Waxaa kaloo muuqata in diyaaradaha ku soo degayo Garoonka ay aad u sii badanayaan oo diyaarado badan dalka ku soo dagayaan, Islamarkaan aqorsheyney in xataa hadda ka dib habeenkii la shaqeeyo maadaama ay diyaarado badan ku soo dagayaan garoonka”ayuu yiri Jen. Gaafow.

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa bogaadiyay howlaha ka socda garoonka iyo horumarada laga sameeyay mudadii u dambeeyay, isagoo xusay in qof walba looga baahan yahay inuu dadkiisa u adeego.

Soo laabashada madaxda dowladda ayaa ku soo beegmeysa, xilli maalinimadii shalay ay ku saxiixeen Magaalada Nairobi heshiis ku saabsanaa dhameystirka xilliga kala guurka, iyadoo wax ka yar labo bilood ay uga harsan tahay waqtigooda.

Comments are closed